Maxaa ka jira in Madaxweyne Waare laga hor joogsaday inuu galo Belad-weyne?

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dibad baxayaal careysan iyo ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed waxay u diideen inuu gudaha u galo magaalada Balad weyne.

Waare oo maanta galinkii dambe ka degay garoonka dayuuradaha Ugaas Khaliif ayaa ku guuldareystay inuu gudaha u galo Balad-Weyne ka dib markii dibed baxayaal careysan  ay taayero ku gubeen wadadii u mari lahaa, dhaxgaana ku tuureen gawaaridii galbineysay sida wararku sheegayaan.

Waare ayaa caawa ku hoyanaya fariisin ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka B/weyne halkaasoo uu kulamo kula leeyahay waxgaradka gobolka Hiiraan qaarkood oo uu kala hadlayo sidii loo joojin lahaa dibed baxyada ka socda Magaalada, loona xalin lahaa xiisada ka dhalatay xilka ka qaadista Yuusuf Dabageed oo cirka isku shareertay maalmihii ugu dambeeyey.

Yuusuf Dabageed ayaa la sheegay inuu ciidamo aad u hubeysan iyo taageerayaal badan ku heysto magaalada Belad-weyne, taasoo sababtay inuu isku sii dhejiyo xilka laga qaaday oo uu horey u diiday inuu wareejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -