Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo lagu buuqay xili uu khudbad ka jeedin rabay Munaasabada furitaanka …

Waxaa goordhaw foodo iyo buuq ay ka bilaabatay xarunta ay ka socoto munaasaada lagu furayo kalfdahiga 7-aad ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya xili Madaxweyne Farmaajo lagu soo dhaweeyay Mikrafoonka si uu khudbada furitaanka u jeediyo.

Qaar kamid ah xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay qeylo dhaan iyo buuq , waxa ayna iyaga taagan munaasabada ka sameenayeen buuq ay uga hortagayaan khudbada Madaxweynaha.

Codkii sida toos ah looga maqlayay furitaanka munaasabada kalfadhiga 7-aad ayaa la jaray, waxaana xildhibaanada qaar lasoo baxeen firimbi halka kuwa kalana bilaabeen in ay qaadaan heeso wadani ah.

Xaalada xarunta ay kasocoto munaasabada furitaanka kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka ayaa ah mid wali qasan oo buuq sameenayaan Xildhibaanada qaar, Madaxweynaha ayeyna ku adkaatay in uu khudbadiisa jeediyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaana nasiib daro ku tilmaamay in labo Xildhibaan ay afduubteen Xildhibaanada labada aqal ayna buuq ka sameeyaan munaasabada kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka federaalka.

 

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo sheegtay iney fashilisay afgembi ka dhan ah..

Caydiid Ali

Midowga Afrika oo taageero u muujiyey Xassan Shiikh, labo arrina ku amaanay Farmaajo

Caydiid Ali

Qabiil la sheegay inaysan xanuunsanin Haweenkoodana ku dhalaan da’da 70-aadka !!!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---