Xuutiyiinta Yemen oo badda cas ku weeraray markab kale oo Mareykanku leeyahay

Fallaagada Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku dhufatay markab ganacsi oo kale oo Maraykanku leeyahay Khamiistii shalay, saacado ka dib markii duqeyn cusub militariga Maraykanku uu ku qaaday kooxda ay Iran taageerto ee Yemen.

Xuutiyiinta ayaa laba gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku garaacay markabka M/V Chem Ranger, sida ay sheegeen militariga Mareykanka, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii saddexaad oo toddobaadkan lagu qaado markab uu Mareykanku leeyahay.

“Shaqaalaha markabka ayaa sheegay in gantaallada ay saameyn ku yeesheen biyaha u dhow markabka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa khamiistii qirtay in duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta  aysan ahayn kuwa ka hortagaya weerarada ay kooxdan ka geysanayaan Badda Cas, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay joojin doonaan weerarada oo kaliya marka Israel ay soo afjarto dagaalka ay ka wado Qaza.

Hadalka Biden ayaa yimid kadib markii militariga Mareykanka uu sheegay in weerarkii shanaad ee Mareykanka uu ku qaaday Xuutiyiinta todobaad gudihiis lala beegsaday tiro yar oo gantaalada lidka maraakiibta ah oo la diyaarinayay in lagu weeraro marinada maraakiibta caalamiga ah.

 

 

- Advertisement -