Allbanaadir.com
NEWS

Dayuurado duqeeyey dagaalyahano iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Degaano ku yaalla xadka  gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ayaa la soo sheegaya in duqaymo culus ay ka dhaceen.

Dayuurado aan duuliye laheyn ayaa duqaymo culus ka geystay degaanka Fiidow oo ku yaalla xadka labada gobol halkaasoo ay gacabta ku hayaan kooxda Al Shabaab khasaare ayaa la soo sheegayaa inuu halkaas ka dhacay

Ugu yaraan 10 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in duqeynta ay ku geeriyoodeen sida laga soo xigtay  Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan gobolka shabeelada Dhexe halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Duqeynta ayaa la sheegay in lala beegsaday goob ay isku sugnaayeen dagaalyahano iyo Saraakiil ka tirsan Al shabaab.

Dhinaca kale, degaanka Diinlaawe oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Mahdaay ee gobolka shabeelada  Dhexe ayaa sheegaya  uu ka dhacay  weerar sababay khasaare dhimsho iyo dhaawacba leh.

Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerareen Degaanka Diinlaawe balse Ciidamada degaanka ay iska difaaceen weerarkaas  waxaana ka dhashay Dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Related posts

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo War cusub ka soo saaray Kismaayo

Caydiid Ali

(Akhriso) Khudbad xasaasi ah oo Xassan Shiikh ka jeediyey Xarunta SETA ee Ankara

Caydiid Ali

Raisul Wasaarihii hore oo si adag uga hadlay hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---