Dib u kabashada Soomaaliya oo deganaansho u horseedeysa gobalka geeska afrika

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre

Wargayka the Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray maqaal uu uga hadlayo horumarrada ay ku tilaabsatay ka gaartay ajandaha dib-u-qaabaynta, wada shaqaynta madaxda, siyaasadda arrimaha dibadda.

The Star ayaa qormadiisa ku billaabay isbar-bardhig uu ku sameeyay hoggaanka dowladda hadda jirta iyo dowladihii hore, “Dowladihii hore ee Soomaaliya waxa ay qaati ka taagnaayeen xurgufyo siyaasadeed oo aan joogsi lahayn kuwaas oo sababi jiray in aan lagu guulasayn bixinta adeegyada bulsha, sidoo kalana ay ka dhalan jireen bedello is-daba joog ah oo lagu sameeyo Ra’iisul Wasaarayaasha”.

Maamulka hadda ka jira Soomaaliya ayuu wargaysku sheegay in ay ku guulaysteen wax aysan marnaba ku fakarin dowladihii ka horreeyay. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa si wanaagsan ula shaqeeyay madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaana xariirka wada shaqayneed uu keenay in lagu guulaysto hadafyo waawayn oo anfac u leh ummadda Soomaaliyeed.

Magacaabidii Ra’iisul Wasaare

Xulashada iyo magacaabidda Xasan Cali Khayre ayuu the Star qoray in ay ahayd safar istaraatiijiyadeed oo looga soo dhaqaaqay dhaqankii hore. Ra’iisul Wasaarayaashii hore ayuu shegay in badankood ay ahaayeen siyaasiyeen faa’iida ka dhex raadiya qabaa’ilka.

Waxa uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wargaysku ku tilmaamay nin khabiir ku ah maamulka, lana magacaabay iyada oo ay jiraan caqabado aan xisaab lahayn oo isugu jira caqabado cusub iyo kuwa soo jireen ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhallinyaro horyaalna u ah dhallinyarada Soomaaliyeed ayuu wagaysku qoray in “Hogaankiisa suuban iyo xariirka wada-shaqayneed ee kala dhexeeya madaxwaynaha uu keenay in dhammaan shaqaalaha dowladda iyo ciidanka lagu sameeyo diiwaan gelin rasmi ah ayna si joogta ah u helaan mushaarkooda”

Magacaabidda La Taliyaal Sare

Waxa uu soo qaatay wargaysku maah-maah Soomaaliyeed oo dhahaysa “Wiilku waxa uu abihii uga baahanyahay taageerada ugu wanaagsan marka uu daydayayo hooyada wiilka”. Taas oo aabaha ku qasbaysa in uu dareen xooggan siiyo go’aan ka gaaridda hooyada ugu habboon ee caruurtiisa mustaqbalka”. Hoggaamiyaasha guulaysta waxa ay xayndaab ka dhigtaan maskax u horseedi karta in ay ku guulaystaan mas’uuliyadda loo igmaday. Khayre wuu sameeyay taas.

Wargaysku waxa uu leeyahay Khayre waxa uu la yimid ajanda dib-u-qaabayneed waxa uuna xukuumadda u qaybiyay afar guddi hoosaad si dowladdiisu ay u qabato shaqo loo riyaaqo oo saxan, waxa uuna magacaabay la taliyaal sare oo taageera xukuumaddiisa. La taliyaashaas sare ayaa Siyaasadaha iyo shuruucda kale waxaa ay kusoo diyaariyaan tubaha, qorshayaasha hor tebinta leh waxa ay kusoo qeexaan afarta tub qaran ee kala ah horumarinta bulshada, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda loo dhanyahay iyo amniga iyo caddaaladda. Si taas lamid ah qorsha horumarinta qaranka waxaa lagu soo kariyay tubaha.

Dib-u-habaynta Laamaha Amniga iyo Dhaxal Reebka Khayre

Dib-u-habaynta muhiimka ah ee Ra’iisul wasaaruhu ku sameeyay qaybta amniga ayuu wargaysku ku qeexay dhaxal reeb. Sannadkii 2017, DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah waxa ay kala saxiixdeen heshiis amniga qaranka ee ku qeexan dastuurka kumeel gaarka ah. Waxaa si hagaagsan u socda dadaallada dib-u-eegista dastuurka si loogu quulaysto doorashada guud ee soo socota.

The Star waxa uu qormadiisa ku sheegay in heshiiskaan uu ahaa mid xaasaasi u ah shaqaalaysiinta, soo celinta, dib-u-tababaridda, dib-u-qalabaynta, dib-u-dhiska xeryihii ciidanka iyo in si guud sare loogu qaado xirfaddda ciidanka iyo laamaha amniga. Hay’adda sirdoonka ayaa dib loogu howl geliyay shaqadii ay caanka ku ahayd ee aruurinta xogta. Muqdisho waxaa hadda amaankeeda si buuxda u maamula ciidamo booliis ah.

Xogo muhiim u ah sugidda amniga ayaa lasoo aruuriyaa. Waxaa jira wada-shaqayn iyo iskashi dhanka howl-gallada ah oo ka dhexeeya hay’adaha kala duwan ee amniga. Deegaanno badan ayaa laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah.

Bixinta Adeegyo Bulsho

Waxa uu wargaysku leeyahay “Dowladdu waxa ay si daacadnimo ku jirto ula soo ifbaxday bixinta adeegyo bulsho taas oo keentay in uu dhaqan galo oo la aamino muuqaalka dowladnimo”
Dowladdu waxa ay samaysay siyaasado iyo shruuc looga gol leeyahay in lagu soo buuxiyo gaabiska ka jiray qaybta arrimaha bulshada. Waxa ay dowladdu dhawaanahaan la wareegtay maamulka laba isbitaal oo dowladdu lahayd, iyada oo ay barbar socoto qosha lagu howl gelinayo dhammaan isbitaallada dowladda si ay mawaadiniintu uga helaan adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah gaar ahaan caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Sidaas oo kale waxa ay dowladdu ku samaysay iskuulaada dowladda waxa ay qorshaynaysaa in ay soo celiso dhammaan iskuulaadkii dowladda. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu laba kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah ku caawiyay in loo abuuro fursado dhaqaale.

Adkaysiga Ra’iisul Wasaaraha

The star waxa uu qormadiisa ku caddeeyay in Ra’iisul Wasaaruhu uu hannaan aan la dafiri karin ugu adkaystay iska caabinta uu kala kulmayay ajandaha dib-u-habaynta taas oo uga imaanaysay kuwa faa’iida ku qabay xasilooni darrada, taageerana ka haysay kuwa daneeya in dhibka lagu sii jiro oo ay ku jiraan kuwa diidan jiritaanka dowladda.

Argagaxisadu waxa ugu dambeeya ee ay dagaalka kula jirto waxa uu yahay in dalka ay ka hir gasho dowlad awood leh oo xasiloon.

Dib-u-dhalasha Soomaaliya

Soomaaliya oo dhibaatadii soo gaartay uga soo kabanaysa si tartiiba ah oo aan caadi aheyn waxa ay dalalka kale ee dunida dib uga heleysaa maqaamka ay xaqa u leedahay.

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Ra’iisul Wasaare Khayre waxa ay horseedday dib-u-heshiin gobalka iyo caalamkaba ka dhacdy. Waxa uu si joogta ah daaha uga rogaa dareen wayn oo aaminaad salka ku haya sida ku cad hourmarradiisa dhanka diblamaasiyadda ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -