Trump oo Aqalka cad kusoo dhaweeyay Baadari 2 sano ku xirnaa Turkiga (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trumo ayaa aqalka cad kusoo dhaweeyay Baadari Andrew Brunson oo u dhashay dalka Mareykanka, kaa oo mudo labo sano ah ku xirnaa dalka Turkiga.

Maxkamad kutaala dalka Turkiga ayaa sii deysay baadarigan u dhashay Mareykanka oo lagu helay dambi argagaxiyo iyo  in uu ku lug lahaa afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga .

Donald Trump oo ka hadlay sii deynta baadarigan ayaa la sheegay in go’aanka Xukuumada Ankara kusii deysay baadarigan uu wanaajinayo xiriirka Xukuumadaha Washigton iyo Ankara.

Qoraal uu Madaxweyne Trump soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa ku sheegay  in aan wax shuruud ah lagu xirin sii daynta baadariga, waxa uuna u mahad celiyay Madaxweyne Racep Tayyip Erdogan uu sheegay in uu dedaal u galay siidaynta Brunson.

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdogan oo isna ka hadlay sii deynta baadarigan ayaa sheegay in go’aanka lagu daayay uu ahaa go’aan maxkamadeed oo madax bannaan.

Xariga Baadari Brunson ayaa xumeeyay xiriirkii u dhaxeeyay dowladaha Turkiga iyo Mareykanka, waxaana Madaxweyne Trump cunmaqabateyn kusoo rogay dowlada Turkiga, waxaana hada la saadaalinayaa in xiriirka labada dhinac uu soo laaban doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -