Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Samia oo warqadaha aqoonsiga ka gudoontay danjiraha cusub ee Somalia

Marwo Danjire Sahra Cali Xasan ayaa warqadaheeda aqoonsiga danjirannimo ee Jamhuuriyadda Tanzania ku wareejisay Madaxweynaha dalkaasi, (Marwo) Samia Suluhu Hassan, kadib munaasabad lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada oo ku yaalla Caasimadda Dodoma.

Intii lagu gudo jiray munaasabadda waqad gudbinta, waxa ay Danjire Sahra Xasan la wadaagtay Madaxweynaha Tanzania fariin salaan ah oo ay ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo”, iyadoo carabka ku adkaysay sida ay uga go’an tahay inay hore u sii wado xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania si horumar iyo barwaaqo u gaaraan labada dal iyo labada dad ee saaxiibada ah.

Dhankeeda, Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu, waxa ay soo dhoweysay Safiiradda cusub ee Soomaaliya, iyadoo u rajaysay in ay ku guuleysato howlaha loo igmaday si ay u xoojiso xiriirka taariikhiga ah ee qotada dheer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qalab aqoonsanaya Wajiyada Tuugada oo lagu rakibay Dukaamo caan ah !!

Cabdi Cade

Dacwad ka dhan ah Jawaari oo loo gudbinayo Hay’adaha Garsoorka dalka

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump & dhigiisa Kim John un oo mar kale kulmaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---