Ajaaniib ku dhow 150 oo laga tarxiilayo Somaliland & sababta ka dambeysa

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay degaanadeeda ka musaafurineyso tiro dhaqaatiir Ajaaniib ah oo ay sheegeen iney si sharci darro ah uga howlgallaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi (Xirgeeye) ayaa sheegay in 130 ajaanib ah oo ka howlgalla goobaha Caafimaad ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa Xukuumadda aysan aheyn kuwo ruqsad ka heysta Somaliland.

Xirgeeye ayaa sheegay in xirfadlayaasha Caafimaadka ay qiimeyn ku sameeyeen dhaqaatiirtaas, isla markaana ay ogaadeen inaysan heysan 130 ka mid ah ruqsadii ay ku shaqeysan lahaayeen.

“Shaqooyin ay qaban karaan dadka reer Somaliland ma ogolaanayno inay ajaanib qabtaan” ayuu yiri agaasimaha.

Waxa uu sheegay inay Magacaabeen Guddi ka socda Dhaqaatiirka ka howlgasha Somaliland, kuwaasoo baaritaan dhinaca xirfadooda ah ku sameyn doona dhaqaatiirta ajaaniibta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -