Ocboter- Bar kulmisay dhacdooyin badan oo Soomaaliya Xasuus ku leh

Markii aad dhageysaneyso heesta Qarni waliba Sebenkii,  qorraxiba dharaarteed, waxaa daremeysaa in maalmuhu isku si aysan gabbalku ugu dhicin, waaguna ugu baryin. Seben walbana uu xanbaarsan yahay dhaxalkii gaarka ah.

Hayeeshe, maalin walba waxay lasoo baxdaa wajigeeda qaas ah, waxayna la hoyataa taariikh u goonni ah. Haddana dhammaan maalmuhu ma wada ahan kuwa si la tilmaami karo xusuusteenna ugu wada jira.

Waxaa jira maalmo qofka ku weyn sida goortuu dhashay, Ilmo u dhasheen, maalin uu lumiyay qof ku weynaa qalbigiisa iyo geesta kale maalmo farxad ugu idlaatay sida inuu guursaday. Isla sheekada ku saabsan nolosha hal qof ama qoys, mararka qaar waxay noqon kartaa mid kulmisa masiir qaran iyo mujtamac dhan noloshooda.

Balse marka laga yimaado dunta hoose ee bulshada – qof iyo qoys labadaba – sheekooyinka taariikhda gala waxay aalaaba ku dhismaan heerka ay maqaam ahaan ka joogaan qaranka. Halka aan la isku diidayn in qof ka baxa qoyskiisa aysan wada tiiraanyeyn karin qaranka oo idil, haddana waa tirada geerida waxa gilgili kara quluubta shacabka markay maqlaan iyo dhinaca marka arrin weyn oo umadda oo dhan wada raadeysa ay dalka ka dhacdo.

Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliya marka aan dib-u-milicsanno waxaan arkeynaa maalmo murugu iyo mahadho reeba iyo maalmo baraare iyo wanaag nagu fura, balse arrinta la yaabka leh ee aan doonayo in aan ka hadlo waxay tahay inta badan dhacdooyinka ina soo maray inay kusoo beegmaan bisha October,  Tusaale markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago waxay ku beegneyd bisha Oktober, Qaraxii ugu weynaa ee goob qura ku dhibaateeya in ku dhaw kun qof wuxuu dhacay bisha October.

Haddaba waxaa kuu soo gudbinayaa dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October kuwii ugu waaweynaa:

  1. 5 October 1949-kii waxaa muqdisho ka dhcay dagaal caan baxay oo looga soo horjeeday gumeysiga, dagaalkaa oo ku caanbaxay magaca  ‘Dagax tuur’

 

  1. 12 October 1954 – Waxay ahayd markii ugu horreysay oo Calan Soomaaliyeed la taago kaddib markii uu  naqshadeeye (hindisay) halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan.
  2. 15 October 1969 – Toogasho ka dhacday magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay Madaxweyne Cabdirashid Cali Sharma’arke.
  3. 21 October 1969– Ciidamadii Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa qabsaday xukunkii dalka lix maalmood kaddib dilkii madaxweyne ina Sharma’arke.
  4. 21 October 1972 – Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaa ka horreeyey aan dhigaal rasmi ah helin.
  5. 3 October 1993– Sideed iyo toban katirsan ciidanka Mareykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho kaddib markii dagaal adag ay kala horyimaadeen maleeshiyaad uu hoggaaminayo Jaranaal Maxamed Faarax Ceydiid.
  6. 15 October 2002 – Shirkii 14aad ee Nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
  7. 10 October 2004– Baarlamaanka FKMG waxay Madaxweyne u doorteen AUN Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo taageero weyn ay u ahayd dowladda Ethiopia.
  8. 29 October 2007– Waxaa xilkii iska casilay RW dowladdii ku-meel-gaarka, Cali Maxamed Geeddi kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ina Yusuf.
  9. 8 October 2000 – Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa RW u doortay Cali Khaliif Galeyr.
  10. 28 October 2001– Kaddib markii uu xilka hayey muddo hal sanno ah, waxaa xilkii laga qaaday ra’iisulwasaare Cali khaliif Galeyr.
  11. 28 October 2002 – Wuxuu MD Cabdiqaasim ku-sime RW u doortay Cusmaan Jaamac Cali.
  12. 29 October 2007 – Saalim Caliyow Ibrow ayaa loo dortay ku-sime ra’iislwasaare.
  13. 14 October 2010– Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kusoo biiray dowladdii uu hoggaaminayey Sharif Sheikh Axmed kaddib markii ra’iisulwasaare loo doortay.
  14. 04 October 2011– Waxaa qarax lagu hoobtay uu ka dhacay Xarunta Harkaha iyo Saamaha oo ay ku geeriyoodeen dad u badan arday Soomaaliyeed oo wax-barasho lacag la’aan ah ka helay dalka Turkiga.
  15. 08 October 2011– Barlamaankii 8aad ayaa kahor yimid heshiis badda ku saabsan oo dhex maray dowladaha Somaliya iyo Kenya.
  16. 17 October 2011– Ciidanka Kenya oo markaa aan ka mid aheyn kuwa Nabad Ilaalinta AMISOM ayaa xoog kusoo galay dhulka Soomaaliya.
  17. 6 October 2012– MD Xassan Sheikh Maxamud waxuu RW u doortay Cabdi Faarax shirdoon ‘Saacid’ oo markii danbe khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Xasan xilka looga qaaday.
  18. 05 October 2014– Dowladda Soomaaliya waxay la wareegtay magaalada taariikhiga ah ee Baraawe oo muddo sannado ah ay ka talinayeen maleeshiyaadka al-Shabaab.
  19. 25 October 2014 – Isku shaandheyn lagu sameeyey golaha wasiirrada Soomaaliya ayuu khilaaf weyn ka dhashay markii Wasiirka Cadaaladda, Faarax Sheikh Cabdiqaadir iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha, Saalim Caliyow Ibrow xilalka loo kala wareejiyey taas oo ugu danbeyntii qadka ka saartay dowladdii RW Yuulka.
  20. 26 October 2015– Guddoomiyihii gobolka Banaadir, Muungaab ayaa xilka laga qaaday, waxaana lagu beddelay Yuusuf Jimcaale.
  21. 17 October 2016– Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo doortay Madax-weynaha Dowlad-goboleedka Hir-shabelle.
  22. 14 October 2017– Maalin aan la hilmaami karin, waxaa mar qura lawaayey dad ku dhow 500 oo ruux oo Soomaali ah markii qarax gaari lagu soo raray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, musiibadan ayaa Soomaaliya ka dhigtay meesha kaliya ee Qaarada Afrikaa oo daqiiqad lagu dilay dad intaa tiradoodu la’eg tahay.

Ku dar wixii aan ka tagay oo ka dhiman dhacdooyinka Soomaaliya ka dhacay bisha October.

Qore: Ali Abdulle Hilowle.

Kala xiriir: farriin-danabeedka; Calikaafi9@gmail.com ama Twitter/@Alihilowle8

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -