Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay Gunnar Andreas iyo xogta waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaan maanta magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Safriirka Dowladda Norway ee Soomaaliya Gunnar Andreas Holm.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay iskaashiga arimaha hormarka gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, hormarinta wax soo saarka, xasilinta iyo tayaynta hay’adaha Dowladda.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

Madaxweynaha Jubbaland oo maalmahan ku sugan magaalada Nairobi ayaa kulamo la qaadanaya qaar kamid ah wakiillada caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi.

Related posts

Xertii Sheekh Shaakir oo kamid noqotay Baarlamaanka Galmudug (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ma dhab baa in dowlada Qatar ay bixineyso dhaqaale lagu weeraro Jubbaland & Galmudug?

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo laga soo celiyay Eritrea oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---