Ma dhab baa in dowlada Qatar ay bixineyso dhaqaale lagu weeraro Jubbaland & Galmudug?

Madaxda Dowladda Somalia ayaa lagu eedeeyay inay taageero dhaqaale u raadsadeen dalka Qatar si ay ugu adeegsadaan doorashooyinka soo socda ee maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa galabta gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, iyadoo socdaalkaasi uu ka dambeeyay kulan magaalada Maka Al-mukarama ee Sacuudiga ku dhexmaray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Qatar xilli ay ka wada qeyb galeen shirkii degdega ahaa ee Jaamacadda Carabta.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Somalia inay awood dhaqaale iyo mid ciidan u urursanayaan maamullada Galmudug iyo Jubbaland, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Sacuudiga kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, iyadoo saakana Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliye xiggeenkii Nabadsugidda uu dalka Qatar u diray.

“Madaxweynaha Sacuudiga ayuu kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, saakayna Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliye xiggeenkii Nabadsugidda ayuu dalka Qatar u diray. Maalmahan waxaa Addis Ababa isaga daba noqonayey Taliye xiggeenka Nabadsugidda. Waxaan kaloo maqashiisanahay in Madaxweynuhu uu Addis Ababa tegayo. Wax kala maaha dagaal Galmudug iyo Jubaland ka dhan ah ayaa awood ciidan iyo mid dhaqaale loo raadsaday” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Wuxuu intaas ku daray in madaxda dowlada ay masiirkooda siyaasadeed ku xireen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaas Dowlad Goboleed (Galmudug iyo Jubbaland).

“N&N waxay masiirkooda siyaasadeed ku lareen guusha iyo guuldarrida ay ka soo hooyaan labadaa Dowlad Gobol. Waxaan haddaba ugu baaqaynaa inta samaha Soomaaliyeed jecel in ay shirqoolkaas ka hortagaan oo ay garabsiiyaan labada Dowlad Gobol” ayuu hadalkiisa intaas ku daray

Madaxda Dowlada Somalia kama hadlin eedeyntan, loogamana baran iney ka jawaabaan eedeymaha siyaasiyiinta mucaaradsan balse Dowladda Qatar ayaa la sheegay in muddooyinkan dambe ay joojisay lacag toos ah oo ay siin jirtay Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo loo adeegsan jiray ololeyaasha siyaasadeed, kadib markii dowladda Qatar ay bilowday inay lacag toos ah ku kabto miisaaniyadda dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -