Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo laga soo celiyay Eritrea oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa mar kale dib loogu soo celiyay ciidamo cusub oo tababar kusoo qaaday dalka Eritrea, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay tababar kusoo qaadanayay qeybo kamid ah dalka Eritrea.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa garoonka ciidanka Cirka kusoo dhaweeyay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo tababar kuso qaatay dalka Etirtea.

S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo khudbad u jeediyey cutubyadan tababarka kusoo qaatay dalka Eritrea ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadii tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea ayaa intooda badan dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan dowladda qorsheeneysaa in qeyb weyn ka qaataan howlagllada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israa’iil oo duqeymo culus ku wada keydka hubka ee dalka Suuriya

Cabdi Cade

Nin dilay xaaskiisa iyo nin kale oo garab ku siiyay oo xukun dil ah lagu riday

Cabdi Cade

Ereyadii ugu dambeeyey ee Max’ed Mursi & Madax caan ah oo geeridiisa ka tacsiyadeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---