Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Kambala

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ahna wasiiru dowlaha wasaaradda Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee dalka Ugandha.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa halkaasi uga qeyb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka dhex dhexaadka ah, kaasoo socon doono muddo Todobaad ah.

Shirkan oo ah kii 17-aad ee ay yeeshaan waddamada dhex-dhexaadka ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa xad gudubka ay dowladda Itoobiya ka waddo gobolka iyo sidii loo xakamayn lahaa damaca gurracan ee xukuumadda Abiy Axmed.

Kulanka oo la filayo in uu caawa ku biiro wafdi kale oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa sidoo kale looga hadli doonaa xasuuqa iyo tacaddiyada ay Israa’iil ka waddo marinka Gaza.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale qeyb galaya shir madaxeedka aan caadiga aheyn ee madaxda dalalka IGAD oo lagu wado inuu beri ka furmo Kampala.

Related posts

Doorasho Natiijada kasoo baxeysa inta badan lasii ogyahay oo maanta Kismaayo ka dhaceysa

Cabdi Cade

Siyaasi Wasiir ka soo noqday Holland oo ka yaabsaday shacabka dalkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Iran oo iska fogeysay weerarkii lagu laayey askarta Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---