Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo hawada ka celiyay Diyaarada Itoobiya Airline oo kusii jeeday…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg deg ah ay uga hortageysay wafdi Itoobiyaan ah oo saakay kusii jeeday magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Sida aan wararka ku helnay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa hawada ka celisay diyaarada Itoobiya Airlines oo la sheegay in ay waday wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo kusii jeeday Hargeysa.

Diyaarada ayaa la sheegay in ay ku qasbanaatay in ay deg deg ugu laabato dalka Itoobiya oo ay kasoo duushay, mana jiro ilaa hadda faah faahino badan oo laga bixiyay tallaabadan dowladda hawada dalkeena uga celisay diyaarada Itoobiya Airlines.

Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli uu meel xun gaaray khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaddib heshiiskii gardarada ahaa ee Adis Ababa ku gaareen Ra’isul Wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland.

Waxii warar kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Warar cusub oo ka soo kordhay dagaalka Sudan iyo qax ka socda Khartuum (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasi ku digtay Ahlu Sunna oo horey dhagaha uga fureesatay Talooyin uu siiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---