Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ka shaqeenaya sidii loo burin lahaa heshiiskii ay gaareen Itoobiya iyo Somaliland

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darada ah ee dowlada Itoobiya ay la gashay maamulka gobolada waqooyi ee Soomaaliya {Somaliland}

Madaxa warfaafinta gudiga amniga Qaranka Mareykanka John Kirby ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowlada Mareykanku taageersan yahay madax banaanida iyo qarnimada dhuleed ee Soomaaliya ayna tahay in la xushmeeyo.

Agaasimaha ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.

“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya” ayaa intaas ku daray John Kirby.

Waddamo badan iyo ururo caalami ah ayaa si weyn uga hor-yimid heshiiska ay gaareen dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, heshiiskaas ayaana wax u dhimayay madax-bannaanida iyo mudninada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo War kulul ka soo saaray Nabadoono lagu dilay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo James Swan oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Baaqii Gudoomiyaha golaha Shacabka oo u muuqda mid dhagaha laga fureestay !!

admin
Taboola Ads ---