Siyaasi ku digtay Ahlu Sunna oo horey dhagaha uga fureesatay Talooyin uu siiyay

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee hogaamiya Xisbiga mucaaradka ee Wadajir ayaa ka hadlay sida xiligan xaalka ugu xun yahay kooxda Ahlu Sunna oo mar awood badan ku laheyd deegaano iyo Degmooyin katirsan gobolada Dhaxe.

Mr Warsame ayaa horey uga digay kooxda Ahlu Sunna in ay ku balan furaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, hasa ahaatee Ahlu Sunna ayaa dhagaha ka fureesatay digniinta siyaasigan iyagoona heshiis la galay dowlada federaalka.

Waxa uu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in dadka deegaanka ay ku faraxsan yihiin in meesha laga saaro kooxda Ahlu Sunna , waxa uuna xusay in dadku Ahlu Sunna u arkeyeen caqabad deegaanka ku hor gudboon.

Halkan ka Akhriso Qoraal uu arimahan uga hadlay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir

 

Ahlu-sunna horay waxaan uga dignay in aysan ku ballan furin Madaxweyne Xaaf, kuna kadsoomin heshiiska khudba sirada ah ee dhaldhalaalka iyo dhalanteedka leh ee kooxda N&N. Dhegaha ayey ka furaysteen. In badan oo dadka deegaanka ah oo siyaabo kala duwan u xariirnay ayaa ku faraxsan in Ahlu-sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro. Waxay ku doodayaan in ASWJ a yihiin caqabad deegaanka kaga horgudban dawladnimo iyo horumar nololeed. Waa dood macno samayn karta, haddii kuwa Ahlusuna laga adkaysiinayo ay iyaga wax dhaami laahaayeen.

Lama inkiri karo in Ahlu-Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, kana daafaceen argagexisada Al-Shabaab, waxaa kaloo iyana la dafiri karin in ay ku guul daraysteen ka mira dhalinta guusha iyo sidii ay ugu rogi lahaayeen mid dadku wada leeyahay oo dowladnimi iyo horumar horseeda.

Haddaba dadka ku doodaya in Ahlusunna Alle dhinac u dhaafiyo, waxaa horyaalla imtixaan weyn waana in deegaanku uusan ASWJ u darsan.

Dadka deegaanka waxey maanta haystaan nabadgelyo iyo in ay argagexiso iska daafaceen. Halbeegga lagu eegayo in ASWJ laga reystay waa inta ay hadda haystaan oo horumar nolol iyo maamul dadku wada leeyihiin lagu daray.

Kooxda la baxday N&N ujeedkoodu dowlad dhisid maaha, horumar gaarsiin maaha, dib u heshiisiin maaha, deegaan xoreyn maaha. Waa sidee talada dalka ugu soo laabannaa 2020.

Inta maanta ku faraxsan in ASWJ laga takhalusay, fariintaan iga gunta.

Kooda N&N maalintii ay madaxweynahooda la soo baxaan ayaa idinku danbaysa, waxaana ku xiga isbaaro meel walba taal, Al-Shabaab deegaanka qabsada si toos ah ama si dadban, dadkoo macno la’aan loo dilo, ganacsiga oo isku socon waaya, canshuur xad dhaaf ah iyo dhac, amnigu faraha ka baxa, ku ballan fur cid walba oo maanta kala shaqeeyey in ay ASWJ ka takhalusaan, kaddibna la yiraa yaa Ahlusunna iyo Sheekh Shaakir meel ku sheega.

“Nin dawee la leeyahay
Denbi uu badh leeyahay
Xalka doon la leeyahay
Isaguu u daranyuu
Inuu daaro ma ogola
Daaraanta mirirka leh
Anna deyste ma ogoli”

Abwaan Gaariye (AUN).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -