Allbanaadir.com
NEWS

Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa barqadii maanta inta u dhaxeysa Isgoosyada Siinay iyo afarta Darjiino waxa ay ku dileen nin dhalinayro ah oo la sheegay in uu ahaa injineer ka shaqeeya cilad bixinta korontada.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in kooxo biskoolado watay ay mooto ku horjareen ninka la dilay oo isna watay mooto nuuca Fekon-ta loo yaqaan, waxa ayna la dhaceen dhoor xabadood oo sababtay in ninkaasi geeriyoodo.

Kooxihii hubeesnaa ee fuliyay dilka ninka dhalinyarada ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, lamana oga sababta ilaa hada loo dilay ninkan dhalinyarada ah oo caan ka ahaa degmada Boondheere.

Ma jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyada dilkan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlin dilkan ninka dhalinyarada ah loo geestay.

 

Related posts

Ciidamo cusub oo Gabdho ku jiraan oo kamid noqonaya Ilaalada Deegaanka Xamar (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Yuhuuda oo ka digay talaabo uu qorsheynayo Netanyahu

Caydiid Ali

Maraykanka oo Baaq Muhiim ah u diray Farmaajo & Xildhibaanada golaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---