Q/Midoobay oo ka hadashay dayuurada ay gacanta ku dhigeen Al-shabaab

Sida ay sheegtay QM Diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku dhigay Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay dhul ay gacanta ku hayaan kooxda hubeysan.

Dhowr qof oo la socotay ayaa lagu soo warramayaa inay qaadeen kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida oo sanado badan dagaalo ka waday Geeska Afrika.

Diyaarada ayaa ku degtay meel u dhow degaanka Gadoon ee gobolka Galgaduud markii ay soo wajahday cilad farsamo oo deg deg ah, sida lagu sheegay qoraalka. Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan Muqdisho ayaa sidoo kale dhacdadan u xaqiijiyay Aljazeera.

Sida ku cad qoraalka, waxaa diyaaradda saarnaa sagaal rakaab ah oo ay ku jiraan shaqaale militari iyo qandaraasle dhinac saddexaad ah. Lix ka mid ah ayaa la sheegay in kooxda ay kaxeysteen halka 2 ay baxsadeen.

“Dhammaan duullimaadyadii Qaramada Midoobay ayaa si ku meel gaar ah ayaa loo hakiyay ilaa amar dambe,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Diyaaradan ayaa cilad la kulantay wax yar kadib markii ay ka soo duushay magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Gaashaanle Xasan Cali.

“Laba nin oo Soomaali ah iyo dhowr ajaanib ah ayaa saarnaa. Sidoo kale waxa ay siday dawooyin, waxaana la rabay in laga soo daabulo ciidamo dhaawac ah oo laga keenay gobolka Galguduud,” ayuu yiri.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -