Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Dayuurad saanad u waday ciidanka Xoogga dalka oo u gacan gashay Al-Shabaab

Dayuurad Helicopter oo ay leedahay QM ayaa si deg deg ah ugu dagtay dhalka loo yaqaano Xaabow oo hoos tagta degaanka degaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud halkaasoo ay gacanta ku hayaan Xoogag taabacsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in dayuuradan ay la socdeen 9 qof oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib ay ku qasbanaatay iney deg deg ugu degto degaanka Xaabow ka dib cilad soo wajahday.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in dayuuradaas oo siday hub iyo saanad ciidan oo loo waday ciidanka Xoogga dalka ay ka baxday magaalada Balad weyne ayna ku sii jeeday degaanka Wisil halkaasoo ah taliska ugu weyn ee laga hogaamiyo howlgalka ka dhanka ah Al shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug.

Sida wararku nagu soo gaarayaan Al shabaab ayaa gacanta ku dhigtay dayuurada, waxayna la degeen saanadii milateri iyo dhamaan dadkii la socday oo ka koobnaa 3 Soomaali ah iyo 6 ajaaniib ah.

Al shabaab ayaa la sheegay ineysan illaa hadda wax dhibaato ah u geysan dayuuradaha ayna taalo goobtii ay ku degtay oo ah meel aad uga fog goobaha ay joogaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka, welima ma jiro war dhacdadan ku saabsan oo ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka iyo heyadda QM ee UNSOS.

 

Related posts

Jubbaland oo shaacisay xiliga ay qaadeyso Imtixaanka shahaadiga ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo ka hadlay Xuska 18-ka May amaana u jeediyay maamulka Somaliland

Cabdi Cade

Qorshe lagu soo xiri rabay Saraakiil dagaal xoogan ku dhax maray Muqdisho oo fashilmay

Cabdi Cade