Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa la kulmay Mohammed Ahmed Othman (Sawirro)

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan la qaatay safiirka dowlada imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.
 
Safiirka ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya guusha uu ka gaaray doorashada, waxa uu sidoo kale soo gaarsiiyay dhambaal hambalyo ah uu ka waday Madaxweynaha cusub ee dalka Imaraadka Carabta.
 
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya dhambaalka hambalyada uu soo gaarsiiyay, waxa uuna sheegay in dowladdiisa diyaar u tahay wanaajinta xiriirka labada dal.
 
Imaaraadka Carabta oo horey saameyn ugu laheyd siyaasadda Soomaaliya xiriirna ula laheyd dowladihii hore, hasa ahaatee xiriirka dowladda uu hoggaaminayay Farmaajo iyo Imaaraadka ayaa xumaaday taa oo keentay in Imaaraadka joojiyaan taageeradii DF.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -