Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyadii Baydhabo & khasaare xooggan oo ka dhashay (Sawirro)

Ugu yaraan 11 ruux oo shacab ah ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen, qaar kale oo badana ku dhaawacmeen qaraxyo xoogan oo caawa wax yar ka hor salaadii maqribka ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Weeraradan ayaa yimid ka dib markii labo nin oo ismiidaamiyay ay si gooni gooni ah isugu qarxiyeen hotel Bilan iyo maqaaxida Badar, oo ku wadayaal wadada marta bartamaha magaalada Baydhaba.

Ciidamada amaanka magaalada Baydhabo oo rasaas fara badan cirka u ridayey ayaa xiray goobaha qaraxyadu ay ka dhaceen.

Meydadka iyo dadka dhaawaca ah ee waxyeeladu ka soo gaartay qaraxyadan ayaa waxaa isbitaalka magaalada Baydhabo u daad gureeyey gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasta.

Maamulka koonfur galbeed ayaan ka hadlin weli qaraxyadan, Illaa haddana ma jirto cid sheegatay, inkastoo weerarada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal daba dheeraaday kula jirta dowlada Somalia.

Qaraxyada ka dhacay galabta Baydhabo ayaa ku soo aaday xilli magaaladaas ay ka socdaan olole doorasho oo ay wadaan musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, iyadoo dhinaca kale magaalada bilooyinkan dambe ay aheyd mid amnigeedu fiican yahay oo aysan ka dhicin wax qaraxyo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad fara badan oo loo xiray kufsi iyo dil Gaalkacyo loogu geystay wiil 11 jir ah

Caydiid Ali

Nabadoon caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Siyaasiga Caanka ah ee Nigel Farage oo caalamka ugu baaqay in ay aqoonsadaan Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---