Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA oo xilka iska casilay

Taliyaha heyadda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa la shaaciyey inuu si rasmi ah xilka iskaga casilay.

Warka ayaa sheegaya in Taliyaha uu warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Somalia.

“Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.” ayaa lagu yiri qoraal goor dhow la soo dhigay barta twitterka ee heyadda NISA.

Xuseen Cismaan Xuseen ayaa la sheegayaa inuu ka qeyb ka noqonayo musharaxiinta ku loolamaysa doorashada Madaxweynaha Koonfur galbeed, isagoo dhowaan musharaxnimadiisa kaga dhawaaqaya Magaalada Baydhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xuseen uu taageero ka helayo dowlada Somalia, uuna tartan culus la geli doona Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo isna mar kale xilkaas u tartamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -