Al-Shabaab oo sheegatay qaraxyadii Baydhabo iyo tirada dhimashada oo korortay

Xarakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyo ismiidaamin ah ah oo caawa maqribkii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Al-Shabaab waxay sheegtay in laba weerar oo ay fuliyeen rag soo xirtay jaakada qaraxyo laga soo buuxiyey ay ku beegsatay Saldhig ciidan iyo Hotel uu lahaa Mas’uul horay uga tirsanaa dowladda Federaalka haatana ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynanimada Maamulka Koonfur Galbeed kaasoo lagu magacaabo Maxamed Aadan Fargeeti oo mar soo noqday Wasiirka Maaliyada Somalia.

Al Shabaab waxay sheegtay in dad ka badan 20 qof oo ay ka mid yihiin saraakiil caan ah ay ku dhinteen qaraxyadii Baydhabo ka dhacay.

Al-Shabaab ma sheegin magacyada saraakiisha ay sheegtay iney ku dhinteen qaraxyada galabta.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in qaraxyada lala beegsaday hotel Bilan iyo maqaayada Beder oo ku dhow halka loo yaqaano Afar-irdoodka Baydhabo, waxaana inta la xaqiijiyey ku naf waayey dad ka badan 15 qof oo dhamaantood shacab ah, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Baydhaba ayaa maalmahanba waxaa ka soconayay ololaha doorashooyinka madaxtinimada ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado inay qabsoomaan 17-ka bisha Nofembar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -