Wasiirada iyo Xildhibaanada DFS ee ka soo jeeda Awdal oo u digay Itoobiya

Wasiiradda iyo Xildhibaanada DF Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Awdal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa digniin adag ka soo saaray damaca foosha xun ee Dowladda Itoobiya ku doonayso inay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo Badda Soomaaliya.

Wasiiradda iyo Xildhibaanada ayaa bogaadiyey doorka Dowladda Federaalku ka istaagtay damaca gurracan ee Itoobiya.

Sidoo kale waxay hambalyo u direen Shacabka Gobolada Waqooyi ee diiday damaca gurracan ee Itoobiya ku raadinayso in ay ku boobto qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.

“Anagoo ah Siyaasiyiinta, Xildhibaannada Labada gole, Wasiirrada ka jeeda gobollada galbeedka Somaliland, waxaan halkan ku soo jeedineynaa is-fahamka dhalanteedka ee Itoobiya, waxaan bogaadineynaa waxgaradka, Odayaasha, Dhallinyarada iyo haweenka ka gadooday damaca gurracan ee Itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Dr. Cilmi Nuur oo warbaahinta u Akhriyay warka ka soo baxay.

Wasiiradda iyo Xildhibaanadu waxay baaq u direen dhamaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Gobolada Waqooyi in ay u midoobaan difaaca dhulka iyo Badda.

- Advertisement -