RW Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii dalalka Switzerland & Qatar

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib Socdaalkiisii dalalka Qatar iyo Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha oo socdaalkiisa ka billaabay Qatar ayaa 14-15 Deseembar Dooxa uga qayb galay Madasha Dooxa, waxuuna ka jeediyay khudab uu uga hadlay horumarka Soomaaliya ka jira iyo dowrka ganacsatada ee dib-u-dhiska dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa intii uu dooxa u joogay ka qayb galka madasha Dooxa waxuu kulamo la qaatay dhiggiisa Qatar iyo xoghayaha maaliyadda Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Deseembar 16, 2019, lagu soo dhaweeyay Geneva, ayaa Deseembar 17-18, 2019 waxuu ka qayb galay madasha qaxootiga adduunka oo markii ugu horresay sanadkaan la qabtay, waxuuna ka jeedyay khudbad uu uga hadlay xaaladda qaxootiga adduunka iyo sida ay muhiim u tahay in la isaga kaashado horumarinta nolosha qaxootiga

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxuu kulamo la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, wasiirka arrimaha dibadda Sweden. iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -