Weriyaha Aljazeera ee Gaza oo wiil kale ku waayey duqeymaha Israel (Wararkii u dambeeyey)

Madaxa xafiiska Aljazeera ee Qaza Wael Al-Dahdouh ayaa wiil kale ku waayay duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay laba wariye Axadii maanta Dhimashada wiilkiisa ayaa ku soo beegantay dhowr bilood ka dib markii xaaskiisa, laba caruur ah oo uu dhalay iyo ilmo uu awoowe u ahaa lagu dilay duqeyn uu isaga laftiisu ka warbixiyay ka hor inta aanu ogaanin dhimashadooda.

Todobo nin oo Falastiini ah ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow degaanka Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Falastiin Axaddii. Israa’iil ayaa xaqiijisay duqeynta, iyadoo ku tilmaantay raggan “argagixiso”. Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa walaalo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA. Israel ma aysan sheegin sababta ay ugu tilmaameen “argagixiso”.

Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu dilay 265 kalena way ku dhaawacmeen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil 24kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Gaza. Muuqaalo laga soo duubay Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ayaa muujinayay xubnaha shaqaalaha oo isku dayaya in ay daweeyaan dhibbanayaasha sida aadka ah u dhaawacmay..

Ururka Xoreynta Falastiin  ayaa diiday qorshayaal ay soo jeedisay Israa’iil oo ku saabsan mustaqbalka Gaza, iyadoo ay sidoo kale soo ifbaxayaan khilaafyo ka dhex jira dawladda Israa’iil oo ku saabsan aragtideeda dagaalka ka dib. PLO – oo ka tanaasulay iska caabin hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil heshiis nabadeed 1993 oo arkay aasaaska maamulka Falastiin – ayaa sheegtay in Mustaqbalka marinka Gaza ay go’aaminayaan dadka Falastiiniyiinta ah

Dhinaca kale, Cabsida laga qabo dagaal ballaaran ayaa sii kordhaya , iyadoo Xisbullah ay Sabtidii ku dhawaaqday inay wadar ahaan 62 gantaal ku dhufatay goob ay Israa’iil indha-indhayso oo ku taal xadka Israa’iil iyo Lubnaan, taasoo ah “jawaab bilow ah” oo ku aaddan dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Xamaas ah kaasoo Israel ay ku qaarajisay Beirut.

Digniin cas oo ka digaysa gantaalada iman kara iyo firirka ayaa la soo saaray in ka badan 100 goobood oo ku yaal waqooyiga Israa’iil.

 

- Advertisement -