Gudoonka Golaha Shacabka BFS oo beeniyey warqad lagu faafiyey baraha bulshada

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu beeninayaa warqad saacidihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay.

Warqada ayaa sheegeysay in Guddoonka golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu qabtay mooshin ujeedadiisa tahay codsi heshiisyadii amni ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Itoobita iyo Imaaraadka Carabta.

“Waxaan Shacabka Soomaaliyeed ku wargelineynaa in ay warqadan been abuur tahay oo aan waxba ka jirin islamarkaana aysan ku kadsoomin” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay gudoonka golaha shacabka.

Ugu dambeyn Golaha Shacabka gaar ahaan xafiiska xoghayaha guud oo sida gaarka ah saxiixiisa loo adeegsaday waxa uu xaqiijinayaa in warqadan ay tahay been abuur sal iyo raad toona laheyn.

- Advertisement -