Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Soomow Ibraahim oo katirsanaa Al Shabaab

Taliska Guutada 8-aad qeybta 60aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa saakay soo bandhigay Soomow Ibraahim Iidow (Macalin Soomow) oo muddo sannado ah katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab.

Ninkan ayaa la sheegay in uu kasoo goostay kooxda Al Shabaab uu hubka u siday, waxa uuna xiriir lasoo sameeyay kahor inta uusan ciidanka xoogga dalka isku soo dhiibin saraakiil katirsan ciidanka milatariga.

Soomow Ibraahim ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab kasoo mid ahaa muddo shan sanno ah, waxa uuna ninkan tilmaamay intii uu Al Shabaab katirsanaa kasoo qeyb qaatay dagaallo ka dhacay qaar kamid ah gobolada dalka.

Waxa uu sheegay ninkan sababta uu uga soo tagay kooxda Al Shabaab in ay tahay dhibaato xooggan oo dhaxdooda ka jirta, waxa kale uu sheegay in uu ka xumaaday dhibaatada kooxdaasi ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Dowladad Soomaaliya ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay soo bandhigtay xubno badan oo katirsanaa Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in ay hubka dhigeen iskuna soo dhiibeen dowladda, iyaga oo ka faa’iideesanaya cafiska loo fidiyay is dhiibayaasha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha soo xulaya ergada dooraneysa kuraasta HOP257 & HOP260 oo la diwaangeliyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan lagu Taageerayo dhismaha Galmudug Mideysan oo ka socda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shariif Xasan oo lagu soo dhoweeyey Garoonka dayuuradaha Col. Shaati guduud (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---