Kulan lagu Taageerayo dhismaha Galmudug Mideysan oo ka socda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ka socota kulan balaaran oo lagu taageerayo dib u dhiska Galmudug mideysan iyo dadaalada iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya wado.

Kulanka waxaa ka qeyb galaya siyaasiyiin, waxgarad, culumaa’udiin , Dhalinyaro , Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada , waxa ayna dhamaan dadkan taageero u muujiyeen dadaalada Xukuumada ku dooneyso in la helo Galmudug mideysan.

Qaar kamid ah dadkii ka hadlay kulanka  wali socda ayaa sheegay in ay taageersan yihiin in la helo Galmudug mideysan ay raali ka yihiin dhamaan dadka kunool deegaanada maamulkaasi, waxa ayna bogaadiyeen dadaalada lagu doonayo dhismaha Galmudug.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa safar ku jooga maalmo badan Dhuuso Mareeb, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha tagay magaalooyin iyo deegaano badan oo katirsan Galmudug.

Waxii Warar io sawiro kasoo kordha munaasanada kala soco wararkayaga dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -