Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo looga yeeray Adis Ababa kaddib heshiiskii uu la galay DFS (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaaran  uu hoggaaminayo, ayaa goordhaw safar shaqo ugu ambo baxay magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia.

Diyaarad qaas ah uu usoo diray Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa ka qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa madaxweynaha maamulka Somaliland iyo wafdiga la socda.

Madaxtooyada Somaliland war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi martiqaad rasmi ah ka helay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed, Muuse Biixi ayaana la kulmi doona Ra’isul Wasaaraha Ethiopia iyo masuuliyiin kale inta uu Adis Ababa joogo.

Safarkan looga yeeray Adis Ababa Madaxweynaha Somaliland ayaa imaanaya xilli maalmo kahor heshiis kula soo galay dalka Jabuuti madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, iyadoona labada dhinac ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadahadaladii u dhaxeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir katirsan Somaliland oo dhagxaan lagu weeraray xilli uu aas ka qeyb galayay

Cabdi Cade

Xubno kasocda Beesha Caalamka oo gaaray magaalada Dhuuso Mareeb

admin

Ahlu Sunna oo ka baxday Deegaan Muhiim ah iyo Ciidamada dowlada oo la wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---