Musharax Madaxweyne oo lagu weeraray Garawe kana bad baaday isku day dil

Waxaa shalay magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland lagu weeraray musharax madaxweyne Mudane Cabdifitaax Fafdhaal , kaa oo soo gaaray caasimadda Puntland si uu uga bilaabo ololihiisa doorashada.

Musharaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la weeraray oo rasaas xooggan lagu furay gaadiidkii galbinayay, xilli uu kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe kuna soo jeeday gudaha magaalada.

Waxa uu sheegay musharaxa in jidka loo galay xilli uu jidka kusoo jiray kuna soo socday magaalada Garawe , waxa uuna xusay in si gaar ah loo beegsaday gaarigii uu saarnaa oo ahaa nuuca aan xabadaha karin.

Musharax Fandhaal ayaa ku eedeeyay maamulka  Deni in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday, waxa uuna sheegay in Deni iyo kooxdiisa aysan rabin in doorasho xor iyo xalaal ah dhacdo, waxa kale uu tilmaamay in amniga Puntland lagu aamini karin xilligan kooxda talada heysa.

” Waxaa la weeraray gaarigeyga qaaska ah aan xabadu karin, waxaana weeraray ciidamo laga keenay gobolo kale, ujeedka la ii weeraray ayaa aheyd in la caburiyo musharaxiinta ,gaariga aan saarnaa haddii uusan ahaan laheyn nuuca xabada karin ,hubaal inta saaran waa ay ku dhiman lahaayeen ‘ waxaana jira dhaawacyo soo gaaray shacab isoo dhaweenayay ” ayuu yiri musharax Fandhaal.

Musharaxa ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka loo weeraray uu ahaa in lakala dhantaalo ololihiisa doorashada, waxa uuna cadeeyay in ammarka lagu weeraray in uu kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Weerarkan lagu qaaday musharaxa ayaa imaanaya xilli doorashada madaxweynaha Puntland iyo xulista xildhibaanada uu khilaaf xooggan ka jiro, kaddib markii isimada Puntland amreen in golaha wakiillada laga reebo xildhibaannada Khaatumo matali jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -