Madaxweyne Waare Oo la Kulmay Safiiro Reer Galbeed ah (Daawo Sawirada)  

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirada Ingiriiska iyo Sweden Ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo quseeya Horumarinta Hirshabelle.
Kulankan uu Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare uu laqaatay Danjiraha wadanka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Andreas Von Vexkull ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimaha maalgelinta Ganacsiga oo daymo la siiyo- Mashruuca Shuraka oo ay fuliyaan bangiyada Dalka sida Dahabshil, Horumarinta dhallinyarada, haweenka, iyo taakulaynta Mashruuca cadaaladda, taasi oo wax badan ka tareyso Horumarka Hirshabelle.
Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay garab istaaga Dadka Soomaaliyeed, waxaana uu balan qaaday in sweden dhowaan ay ka fulin doonto mashaariic isugu jirta horumarin iyo dih u dhis Deegaanada Hodanka ku ah Kheyraadka ee Hirshabelle, waxaana uu madaxweyne Waare uu ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro Hirshabelle oo Horumar gaarta.
Sidoo kale kulanka Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare uu la qaatay, Safiirka ingiriiska Ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender ayay kaga wada hadleen
Arrimaha ay ka mid yihiin Mashruuca Booliska loo Dhan yahay oo hadda dufcaddii labaad ee Ciidanka Boliiska Hirshabelle la bilaabi doono kuwaasi oo wax badan ku soo kordhin doono xaqiijinta amniga Deegaanada Hirshabelle.
Kulanka oo waqti badan qaatay, ayay si qoto dheer kaga wada hadleen, fursadaha maalgashi ee ka jira dhulka eebe uu ku maneystay Kheyraadka ee Hirshabelle, taasi uu safiirka balan qaaday in ay ka gacan siin doonaan Hirshabelle horumarinta wax soo saarka, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha islamarkaana qeyb ay ka yihiin kor u qaadida tayada hey’adaha dowladda iyo dar dargalinta fulinta mashaariicda hay’adda SSF ( Somali stability fund) iyagoo sidoo kale ka wada hadlay barnaamijka kala guurka Amisom ( transitional
plan).
Kulamadaasi ayaa ku soo dhamaaday, is afgarad, waxaana shirarkaasi ay qeyb ka yihiin howlaha Shaqo ee Madaxweyne Waare uu u joogo Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com
- Advertisement -