Allbanaadir.com
NEWS

Kim Jong Un oo amray milatariga Dalkiisa in Diyaar u diyaar garoobaan Hanjabaadna diray

Dowladda mayalka adag ee Kuuriyada Waqooyi ayaa diyaar garow adag ugu jirta sameysashada hub culus oo nukliyeer ah, si ay isaga difaacdo weeraro ay ka cabsi qabto in Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed kaga yimaado.

Shir xisbiga talada haya ee Kuuriyada Waqooyi muddo shan maalmood ah u socday ayaa gabogabadiisa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ka jeediyay hadalo u muuqday hanjabaad iyo u diyaar garow dagaal.

Kim ayaa sheegay in ay  hawada sare u diri doonaan saddex dayax-gacmeed oo cusub oo basaas ah, isla markaana ay dhisi doonaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, sidoo kale sare u qaadidoonaan hubka Nukliyeerka sanadka 2024-ka.

Waxa uu sheegay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi in siyaasada Mareykanka horseedeyso dagaal lama huraan ah, waxa uuna ciidamada dalkiisa ku amray in ay u diyaar garoobaan dagaal nukliyeer loo adeegsado ay isku difaacayaan kuna bur burinayaan cadowgooda.

“Sababtu waxay tahay dhaq-dhaqaaqyo aan ka fiirsasho lahayn oo cadowgu nagu soo qaaday, waa guul-darro in dagaal uu xilli kasta ka dhici karo gacanka Kuuriya,” ayuu yiri hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.

Farriintan hanjabaada ah ay kasoo yeertay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa kusoo aadeysa xilli labada dal ee cadawga koobaad u ah ee Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka doorashooyin muhiim ah ka dhici doonaan sannadka cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Maqaayad ku dhaw xarunta maamulka…

Cabdi Cade

Wasiiro ka tirsan Xukuumada oo qorshe howledkooda u gudbiyey RW Xamse (Sawirro)

Caydiid Ali

(Xog) Villa Somalia iyo Axmed Madoobe oo isku haya hal arrin oo xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---