Tirada Soomaalida lagu dilay dagaalada ka socda dalka Yemen oo la shaaciyey

Dadka badan ilaa 400 qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalka ka socda dalka Yemen tan iyo intii uu bilowday sannadkii 2015-ka, sida uu sheegay Qunsulkii hore ee Soomaaliya ee magaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed oo toddobaadkan ka soo laabtay dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Axmed oo haatan ah safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed ayaa sheegay in dadkaasi badankooda ay ku dhinteen duqaymaha cirka ee ay fuliyeen isbaheysiga Sacuudiga.

Dadka dhintay waxa ku jira in ka badan 40 qaxooti Soomaali ah oo bishii Maarso ee sannadkii hore ay diyaarado helikobtarro ah ku duqeeyeen iyaga oo doonayey inay doon ka raacaan magaalada Xudeyda.

Kumanaan Soomaali ayuu sheegay Xuseen iney weli ku nool yihiin dalka Yemen, iyagoo qaba duruufo nololeed oo aad u qalafsan, iyadoo dagaalka wadankaasi halakeeyey uu weli soo socdo kaasoo sababi kara inuu galaafto nolosha dad kale oo ay ku jiraan soomaalida halkaas ku nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -