Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo howgal qorsheesan fuliyay

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaano kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Howlgalka waxa ay ka fuliyeen ciidamada Danab deegaannada Cabdi Dhoore iyo Beerxaani ee duleedka Kismaayo, waxaana deegaanadan ku sugnaa dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Danab ee Jubbaland ka howl gala Gaashaanle Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in ciidamada howlgal ka fuliyeen deegaano kuyaala duleedka Kismaayo, waxa uuna xusay in ay firxadeen Shabaabkii joogau deegaanadaasi.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka Danab ka dulqaadeen shacabka ku nool deegaanada ay gaareen dagaalyahanada Al Shabaab uu sheegay in dadka dhibaato badan ku hayeen kana qaadanayeen xoolahooda.

Ciidamada Danab ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya deegaano ay joogaan Al Shabaab, waxaana xusid mudan in ciidamada aysan inta badan  ku nagaan kana soo laabtaan deegaanada ay howlagalada ka fuliyaan qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ilmada Waalidiinta Soomaaliyed ka qubaneysa ee caruurtooda aan ku heyn nolol & Geeri

admin

Xildhibaan ku baaqay in loo dhaafo reer Caabudwaaq hubkii ay boobeen

Cabdi Cade

Somalia oo gaartay Finalka tartanka K/Cagta bariga iyo bartamaha Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---