Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Codad iyo Muuqaalo cadeynaya qaabkii loo dilay Suxufiga Jamal Kashoqgi oo la helay

Wargeyska Washington Post ayaa baahiyey war sheegaya in dowladda Turkiga ay Mareykanka la wadaagtay inay hayso caddeymo maqal iyo muuqaal isugu jira oo ku saabsan in Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul lagu dilay qoraagii caanka ahaa ee Sacuudiga Jamal Kashoqgi.

Cadeymahan laga duubay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa muujinaya in koox Sacuudiyaan ah oo laba diyaaradood maalintaas ku tegay magaalada Istanbuul ay ka danbeeyeen dilka Jamal Kashoqgi.

Kooxdan ayaa markii hore su’aalo weydiiyey qoraaga, kadibna jirdil ayey kula dhaqaaqeen, iyagoo danbeyna dilay, wixii markaas ka dambeeyayna waxay jirkiisa u jarjareen cad-cad.

Wararka ayaa sheegaya in Codadka iyo Muuqaallada ayaa caddeyn u noqon karaan in sirdoonka Turkiga uu basaasi jiray Qunsuliyadda Sacuudiga, taasoo keentay inaan si rasmi ah loo shaacin caddeymahan.

Codadka la helay ayaa muujinaya iyadoo la jirdilayo Jamal Kashoqgi iyo iyadoo su’aalo la weydiinayo.

Waxaa sii kordhaya cadaadiska saaran Sacuudiga oo horey u sheegay in suxufiga la dilay uu si nabad ah uga baxay qunsuliyada, iyadoo haddii cadeymahan si rasmi ah loo soo bandhigo bay fadeexad iyo weji gabax ku noqon doonaan dowlada Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay hal arrin oo xukuumadiisu xoogga saareyso (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celineysa dhalinyaro ku xirxiran dal ku yaalla qaarada Afrika

Caydiid Ali

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay Baashi Mustaf Cumar

Caydiid Ali