Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Geelle oo isu keenay Xasan Shiikh & Muuse Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qeyb galay kulan lagu sii amba-qaadayo  wadahadalladii u dhaxeeyey Dowlada Federaal ka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Xassan Shiikh ayaa la kulmay hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi, oyadoo kulankaas ii ka shaqeeyey madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada DFS iyo Somaliland.

Lama oga waxa ka soo bixi doona kulamadan, iyadoo dadka falanqeeya arrimaha Somalia ay sheegayaan in kulankan uusan wax badan ka duwanaan doonin kulamadii horey u dhexmaray labada dhinac, lana fileynin iney ka soo baxaan go’aamo culus oo taabanaya midnimada Somalia ama gooni isu taaga Somaliland.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo arrimo kala duwan kala hadlay Larry E. André

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo saaka safarkiisii ugu horeeyey ugu ambabaxaya dibeda

Caydiid Ali

Telefishinka Aljazeera oo Maxkamada ICC u gudbiyey dacwad ka dhan ah Israel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---