Madaxweyne Qoor Qoor oo arrimo kala duwan kala hadlay Larry E. André

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya danjire Larry E. André.

Qoor Qoor iyo Danjire Larry E. André ayaa ka wada hadlay amniga guud ee Galmudug, howlgalada lagu baacsanayo kooxda Al Shabaab  iyo taageerada dowladda Mareykanka ee ku aaddan arrimahaas.

Madaxweynaha Galmudug ayaana warbixin ka siiyay Danjiraha Mareykanka u jooga Soomaaliya xaalada ka taagan deegaannada Galmudug iyo howlgalo uu sheegay in lagu doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada Galmudug.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo jooga magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaa ay kala hadleen xaalada ka jirta deegaannada ay maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -