Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Bakool oo howlgal lagu dilay

Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey  inta u dhaxeyso degaanka Garasweyne iyo Magaalada Xuddur ee gobolka Bakool

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay iney ku dileen howlgaladaas Gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa gobalka Bakool oo lagu magacaabi jiray Xiirane.

Abaandulaha guutada 9-aad, Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga ee ka howlgala gobolka Bakool Gaashaanle Yoonis Adan Xassan, ayaa xaqiijiyey dilka hogaamiyahan.

Gaashaanle Yoonis Adan Xassan ayaa xusay in sidoo kale ay hogaamiyahan lala dilay qaar ka mid ah ilaaladiisa oo isku dayey iney difaacaan.

“Waan sii wadeynaa howlgaladan illaa laga khawaarijta laga ciribtirayo gobolka Bakool iyo guud ahaan Somalia” ayuu yiri Gaashaanle Yoonis Adan Xassan oo aan faahfaahin dheeri ah ka bixin sida uu howlgalkan u dhacay.

Related posts

Farmaajo oo goor dhow Shacabka kala hadli doona qalabka Warbaahinta

Caydiid Ali

Mareykanka oo Israel uga digay talaabo culus oo ay damacsan tahay

Caydiid Ali

Banaan baxyo rabshada wata oo dib uga curtay Itoobiya iyo Mareykanka oo ka walaacsan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---