Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah la heysataashii Israel ee Xamaas gacanta ugu jirtay oo geeriyootay

Mid ka mid ah la haystayaashii ay haysteen Xamaas ay ka soo afduubeen degaanka Kibbutz ee koonfurta Israa’iil ayaa la dilay, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka ciidamada Israel.

Judi Weinstein, oo 70 jir ah, waa dhimatay, waxaana meydkeeda wali gacanta ku haya Xamaas, ayuu yiri afhayeenka

Weinstein waxay haysatay dhalashada Israel, Maraykanka iyo Canada. Waxaa la ogaa in ay ku dhaawacantay markii la qafaashay 7-dii October.

Ninkeeda Gad Haggai, oo 73 jir ahaa, ayaa lagu dhawaaqay inuu dhintay 22-kii Disembar, waxaana wali meydkiisa gacanta ku haya Xamaas.

Dhimashada Weistein waxay la macno tahay in aanay jirin dumar Maraykan ah oo hadhay oo ay haystaan ​​Xamaas. Hadda lix Maraykan ah oo dhammaan rag ah ayaa la rumeysan yahay inay weli ku jiraan gacanta Xamaas.

Markii hore waxaa la aaminsanaa in Judi ay qeyb ka noqon karto heshiiska ay Xamaas ku sii deyneyso ugu yaraan 50 haween iyo carruur ah oo la sii daayey bishii hore.

File photo of Judih Weinstein-Haggai, being held hostage

Related posts

Booliisla Khaatumo oo gacanta ku dhigay nin xalay dil ka geestay magaalada Laascaanood

Cabdi Cade

Xukuumada Somalia oo Gacan ka geesaneysa Doorashada Jubbaland iyo Warar kale xiiso leh

admin

DEG DEG: Farmaajo oo faragelin bilaabay & doorashadii xubnaha Somaliland oo dib loo dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---