Allbanaadir.com
NEWS

Xogta kulamo Gudoonka labada aqal la qaateen Xildhiban Hodan Xasan (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xildhibaan Hodan Xasan ayaa ugu horeyn soo dhawaynta wanaagsan ee loo sameeyay uga mahadcelisay madaxdii iyo Xildhibaannadii kala duwaneyd ee dalkeeda ku soo dhoweysay.

Waxay Guddoomiyaha la wadaagtay kaalinta firfircoon ee qurbojoogta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ay ku talaabsanayaan guulo badan oo dalkeena qiimo u leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo uga mahadceliyay xildhibaanada booqashada ay ku timid dalka ayaa kula dardaarmay in ay laba jibaaraan kaalinta muhiimka ah ay ku leeyiin qurba-joogta Soomaaliyeed dalalka ay ku noolyihiin.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku qaabilay Xildhibaan Hodan Xasan oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Guddoomiyaha iyo Hodon oo iska xogwaraystay xaaladda guud ee dalka, ayaa ku bogaadiyay doorka firfircoonida iyo dad la dhaqanka  leh ee ay ku tilmaaman yihiin Haweenka Soomaaliyeed, oo kaalin muuqata oo mudnaan leh ka qaata dalalka horumaray oo ay ku nool yihiin.

Kulanka waxaa kale oo Goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro, Xildhibaanno, xoghayaha Aqalka Sare iyo xubno kale oo la socday Xildhibaan Hodan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

(Sawirro) Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka oo ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Magaca iyo Qabiilka ninkii isku qarxiyey Marxuum C/casiis Afrika oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Guddoomiyihii degmada Dayniile oo xilka laga qaaday & Mid cusub oo la magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---