Guddi dhowaan lagu hor dhaariyey Farmaajo oo talaabadii ugu horeysay qaaday (Sawiro)

Guddiga Madaxa Bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa oo dhawaan lagu hor dhaariyay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta dhaxdooda iska doortay Guddoomiye.

Xilka 1aad ee guddoomiyaha oo ay u tartamayeen ilaa saddax Mudane ayaa waxaa codadkii loo qaaday ku guuleystay Abuukaate Maxamed Xuseen Xaamud oo helay shan cod.

Jagada Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ayaa waxaa u tartamay saddax xubnood waxaana ku guuleystay Dr.Xasan Khaliif oo helay lix cod.

Gudoonka aqalka sare ee baarlamanka Somalia ayaa sharci daro ku tilmaamay magacaabida iyo dharinta guddigan, isagoo xusay inaan loo marin hab raacii loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -