Allbanaadir.com
NEWS

Faransiiska oo dib u celiyay Diyaarad siday Boqolaal Tahriibayaal oo Mareykanka kusii jeeday

Ciidamada ammaanka dalka Faransiiska ayaa ku xayiray garoon diyaaradeed oo kuyaalla dalkaasi, diyaarad ka timid dalka Hindiya oo ay la socdeen dad ku dhaw saddex boqol oo rakaab ah oo badankood kasoo jeedeen dalka Hindiya.

Diyaaradan oo kusii jeeday dalka Nicaragua ayaa lagu xayiray dalka Faransiiska, waxaana diyaaradan la sheegay in lagu qabtay magaalada Vatry ee waqooyi bari Faransiiska, xilli diyaarada dooneysay in garoonkaasi ka qaadato shidaal.

War kasoo baxay dowladda Faransiiska ayaa lagu sheegay in rakaabka tahriibayaasha ah saakay dib loogu celiyay magaalada Mumbai ee dalka Hindia, waxa ayna Faransiiska sheegeen in ay kasoo horjeedaan tahriibka sharci-darada ah.

Diyaarada dib loo celiyay waxaa ka haray 25 qof oo ay ku jiraan labo caruur ah, kuwaa oo Faransiiska ka codsaday magan-galyo, waxaa sidoo kale ciidamada Faransiiska la hareen labo qof oo lagu tuhmayo in dadkan la celiyay ay tahriibinayeen.

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa laba maalmood su’aalo weydiinayey rakaabka diyaarada la socday, kaddib markii si qarsoodi ah loo ogaaday in qaar kamid rakaabka diyaarada saarnaa loo tahriibinayey dalka Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar lagu qaadi lahaa Beerta Nabadda oo la fashiliyay iyo Jaakado qaraxyo ah oo la qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sidee u arkeen Shacabka Muqdisho Hadalkii Xeer Ilaaliyaha Qaranka ?

admin

Ciidamada Kenya oo Madaafiic ku garaacay Balad Xaawo iyo Ciidamo badan oo xadka lasoo dhoobay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---