Sidee u arkeen Shacabka Muqdisho Hadalkii Xeer Ilaaliyaha Qaranka ?

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hadalkii maanta kasoo yeeray Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya oo ku baaqay in Xasaanada laga qaado labo kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Hadalka Xeer Ilaaliyaha ayaa noqday mid abuuray xiisad siyaasadeed si weyna loo hadal hayo, waxaana siyaabo kala duwan hadalka Xeer ilaaliyaha uga hadlay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kala duwan.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa qaarkood si weyn usoo dhaweeyay in Xasaanada laga qaado Xildhibaanada lagu eedeeyay in ay Qaran Dumis yihiin, waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay in lala xisaabtamo .

” Waan soo dhaweenayaa hadalka Xeer Ilaaliyaha, waayo waa muhiim in lala xisaabtamo qof walbo oo qiyaano qaran ama Qaran dumis ku howlan ha ahaado Xildhibaan ama Wasiir, waxaana kaloo codsan lahaa Xildhibaanada kale ee ka shaqeenaya Duminta dowlada in iyana Xasaanada laga qaado” Ayuu yiri Mid kamid ah Shacabka Muqdisho.

Oday kamid ah Shacabka Muqdisho ayaa isna sheegay in uu soo dhaweyn lahaa hadalka Xeer Ilaaliaha hadii uu dalban lahaa in Xasaanada laga qaado Xildhibaano uu ku sheegay Qaran Dumis oo mar walbo Warbaahinta ka dhaleeceeya Dowlada.

”Hadii uu hirgalo dalabkii Xeer Ilaaliyaha oo Xasaanada laga qaado labada Xildhibaan, waxaa la weyn doonaa Xildhibaano kale oo ka shaqeeya duminta Qaranka” Ayuu Yiri Qurbo joog Muqdisho ku sugan.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyana soo dhaweeyay in lala xisaabtamo Xildhibankii lagu helo Qaran Dumis halka kuwa kalana a dhaleeceeyeen hadalka Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -