Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo soo bandhigtay Cabdirashiid Indhacadde oo isku soo dhiibay (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa maanta deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose kusoo bandhigay nin la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahannada Al Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka milatariga.

Cabdirashiid Maxamed Cabdi (Indhacadde) oo kooxda Al Shabaab katirsanaa muddo shan sanno ah ayaa kasoo baxay kooxdaasi, waxa uuna xiriir lasoo sameeyay iskuna dhiibay ciidanka dowladda ee Jannaale ku sugan.

Ninkan oo kasoo jeeda magaalada Baydhabo ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ku biiray sannadkii 2018-kii, waxa uuna tilmaamay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

Waxa uu sheegay Cabdirashiid Indhacadde in dhibaatooyin badan kala soo kulmay kooxda Al Shabaab intii uu katirsanaa, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in uu isaga soo tago kooxdaasi uu sannadaha badan kasoo tirsanaa.

Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanno lala duwan maalmihii lasoo dhaafay kusoo bandhigtay xubno katirsaaa Al Shabaab, kuwaa oo dowladda sheegtay in ay kasoo baxeen kooxdaasi kana faa’iideesteen cafiskii loo fidiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Gacan-Maroodi 

Cabdi Cade

C/raxmaan C/shakuur oo si adag uga hadlay xarigii loo geestay Fariina u diray Madaxda dowlada

admin

Jeneraal Biixi oo Odayaasha Aadan Yabaal ugu baaqay in gabdho u guuriyaan Ciidamada la jooga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---