Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Faah faahisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Jeexjeexa ka dhacay

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa xalay saqdii dhaxe iyo saakay aroortii hore duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacay dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley ee Koofurta gobolka Mudug .

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab , sidoo kale lagu diyaarinayay qaraxyo baabuur.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka ka dhacay howdka Jeexjeexa lagu dilay 50 xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo isugu jira  saraakiil iyo dagaalyahanno, waxa uuna intaa ku daray in weerarka lagu dhaawacay 40-dagaalyahan oo kale.

Weerarkan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in guud ahaan Al Shabaab kaga saarayaan gobolkaasi, gaar ahana dhulka howdka ah ay ku dhuumaaleesanayaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gideon Tomotios oo loo magacaabay Wasiirka A/dibeda Itoobiya

Caydiid Ali

Muxuu Xoghayaha guud ee Q/Midoobay ka yiri dagaalka dib uga qarxay Gaza?

Caydiid Ali

Ciidanka xoogga dalka oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---