Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Gacan-Maroodi 

Dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa dagaal la’aan kula wareegay gacan ku heynta deegaanka istaraatiijiga ee Gacan-Maroodi oo katirsan gobolka Sanaag.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo ku dhaw 100-dagaalyahan ay la wareegeen deegaanka Gacan-Maroodi oo katirsan gobolka Sanaag , waxa aya dagaalyahanadan deegaanka ka degeen goobo istaraatiiji ah.

Dagaalyahanada Al Shabaab ee la wareegay deegaankan katirsan gobolka Sanaag ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhinaca buuraleyda Caalmadow, waxaana deegaankan Al Shabaab qabsadeen uu isku xira deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Sanaag.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin deegaankan Al Shabaab la wareegeen iyo cabsida laga qabo in ay la wareegaan deegaano iyo degmooyin kale oo katirsan gobolka Sanaag oo maamulkiisa sheegato Puntland.

 

 

Related posts

Dhagxaan iyo Caro tuur lagu xiray qaar kamid ah Wadooyinka Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Lafta Gareen is hortaag ku sameeyay Wadahadaladii Dowlada iyo Maamul Goboleedyada ?

Cabdi Cade

Puntland oo sheegtay iney qabatay ajaaniib ka tirsanaa Al-shabaab iyo Daacish

Caydiid Ali
Taboola Ads ---