Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh: “Marxuumad Khadiijo Diiriye xili aad u adag ayey Qaranka u soo shaqeysay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Khadiijo Maxamed Diiriye.

“Innaa Lillaahi waa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Geerida ku timid Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye waa mid qalbigeenna taabatay oo aad u xanuun badan, si weynna ay u darremayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Alle ha u naxariisto Marxuum Khadiijo waxay door weyn ka soo qaadatay dib u dhiska Jamhuuriyadda 3-aad ee Soomaaliya, iyadoo ka mid noqotay Baarlamaankii ugu horreyey burburka kaddib, tan iyo wakhtigaasna ka soo tirsanayd Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Xildhibaan Khadiijo waxay ahayd howlkar wasiir ka noqotay wasaaradu kala duwan, wakhti adagna u soo shaqeysay dalkeenna, kuna tilmaamnayd garab istaagga iyo u damqashada dadkeenna nugul, haweenka iyo dhallinyarada.

Alle ha u naxariisto Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, hoygeedana haka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna haka siiyo qaranka Soomaaliyeed, qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay. Aamiin,, Aamiin”.

Related posts

Baarlamaanka Puntland oo aqbalay codsi uga yimid Madaxweyne Saciid Deni

Cabdi Cade

Al-Shabaab lagu laayey Ceel ay biyo ka dhaansanayeen

Caydiid Ali

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo wadahadal la yeeshay Abdalla Bin Salam (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---