Allbanaadir.com
NEWS

Al-Shabaab lagu laayey Ceel ay biyo ka dhaansanayeen

Ciidamada Xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta howlgal lagu laayey xubno ka tirsan Al shabaab gaadiidna looga gubay ka fuliyey gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidanku heleen Xog sheegaysa in xubno ka tirsan Al shabaab oo aad u haraadsan ama u ooman ay biyo ka soo doonteen Ceelbiyood ku yaala deegaanka Ceelka-Nuurgadow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka ayaa halkaas weeraray, iyagoo dagaal culus la galay xubnihii ka tirsanaa Al shabaab ee halkaas ku sugnaa.

“Waxaa halkaas lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii goobta joogay iyadoo sidoo kale Ciidanku gubeen gaadiidkii ay biyaha ku qaadan rabeen argagixisada howlgalka lagu afjaray” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka DF.

Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah kuwa maanta ka soconaya gobolka Shabeellada Dhexe ee lagu naafeynayo khawaarijta nafla caariga ah.

Related posts

Cali Guudlaawe oo si weyn loogu soo dhaweyay Baydhabo Janaay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Baarlamaanka oo maanta la filayo in ay aqbalaan Codsi uu Ra’isul Wasaaraha u gudbinayo

Cabdi Cade

Qeybtii 3aad: Ciqaabta madaxda Meherada ka dhigtay xatooyada Xoolaha shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---