Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoonka labada Aqal oo War ka soo saaray geeridii lama filaanka aheyd ee Khadiijo Diiriye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiraanyo leh u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, qoyska iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Wasiir Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marxuumad Khadiijo Diiriye Ilaahay uga baryey inuu naxariistiisa Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxdeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

Sidoo kale, Guddoonmiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada, Xildhibaannada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed oo ay ka geeriyootay alle ha u naxariistee marxuumad Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ahayd Wasiirkii Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya, muddo dheerna ka tirsanayd xildhibaannada Baarlamaannadii iyo Xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Dalka Soomaaliya.

Guddoomiya ayaa marxuumadda Alle uga baryay in uu jannatul Fardowsa ka waraabiyo Samir iyo iimaanna uu ka siiyo  dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar  ahaan qoyskii, eheladii iyo Xildhibaanadii ay ka geeriyooday.

Marxuumadda oo ku geeriyootay isbitaal ku yaala magaalada Djibouti ayaa waxay ka mid ahayd gabdhihii fara ku tiriska ahaa ee waqtiga badan geliyay dib u dhisidda Jamhuuriyadda seddexaad ee Soomaaliya, iyadoona ka mid ahayd ka qeybgalayaashii shirkii taariikhiga ahaa ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, oo socday intii u dhaxeysay 20-ka April ilaa 5-ta May ee sanadii 2000, kaas oo ay Soomaaliya ku soo ceshatay dowladnimadeeda.

 

 

Related posts

Digniin laga bixiyey shaqsiyaad lagu eedeeyey iney dalka shiico ku faafinayaan

Caydiid Ali

Deni oo si adag uga hadlay Go’aannadii kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade

Kulanka Baarlamanka ee Sabtida oo laga mamnuucay Warbaahinta & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---